AKHRISO:- Burcad Soomaali Ah Oo Ganacsade Soomaaliyeed Ku Dilay Koonfur Afrika

0

Boliska Dembi-baarista ee magaalladda Port Elizabeth ee dalkaasi ayaa baadi-goobaya Burcad dil u geysatay Muwaadin Soomaali ah oo la oran jirey Aadan C/qaadir Jaamac oo 32-jir ahaa.

Kolonel Priscilia Naidu oo ka tirsan Boliska dalkaasi ayaa sheegay inuu Marxuumkaasi abaarihii 7-dii fiidnimo ee habeenkii Talaadada ee la soo dhaafay uu xiray Dukaankiisa, kadibna la toogtay isagoo hor taagan Dukaan kale oo ku yaalla Jidka Kerk Street ee Deegaanka Missionvale ee duleedka magaalladda Port Elizabeth.

Milkiilaha dukaanka kale oo Soomaali ahaa waxa isagoo gudaha ku jira maqlay rasaasta, kadib markii uu soo baxay waxa uu arkay Marxuumka oo lagu dhuftay dhowr xabbadood, kuna dhacay Waddo-lugeedka.

Allaha U Naxariisto Marxuumka Aadan C/qaadir Jaamac isagoo dhaawacan ayaa loola cararay Isbitaalka, balse wax yar kadib ayuu ku geeriyooday Isbitaalka.