Dhambaal Tacsiyadeed:- Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Marxuumad Xaawo Aw Maxamuud Maxamed.

0

Dhambaal Tacsiyadeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaa maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho Allaha u Naxariistee Marxuumad Xaawo Aw Maxamuud Maxamed.

Dhamaan Bahweynta Allgalgaduud Media, Maamulka iyo Shaqaalaha, Anaga oo ka tiiraanyonayna geeridan naxdinta iyo xanuunka badan leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuumad Xaawo Aw Maxamuud Maxamed, waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiraanyo leh u direynaa, dhamaan Reer Aw Maxamuud Maxamed Ciise, gaar ahaan Farxiyo Mayeey, iyo dhamaan asxaabtii ay ka baxday Marxuumad Xaawo Aw Maxamuud Maxamed.

Waxaan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa in uu dhamaanteen samir iyo iimaan naga wada siiyo Allaha u Naxariistee Marxuumad Xaawo Aw Maxamuud Maxamed, waxaa sidoo kale aan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Marxuumad Xaawo Aw Maxamuud Maxamed Janadii Fardowza ahayd ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin

Waxaa Dhambaal tacsiyadeed midkaa la mid la mid ah diraya.

Dhamaan Reer Ugaas Maxamed Ugaas Aden Xaashi