Ciidamo ka tirsan Soomaaliland iyo Maleeshiyo beeleed hubeysan oo ku dagaalamay deegaanka Dararweyne

0

Wararka naga soo gaaraya dagaal khasaare geystay oo Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland iyo Maleeshiyo beeleed hubeysan ku dhexmaray deegaanka Dararweyne oo hoos taga degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Ciidamada Soomaaliland oo wada howlgal ay ku baadi goobayaan Nin ruux Shacab ah ku dilay deegaanka Ceel-Afweyn ayaa waxaa dagaal kala horyimid maleeshiyaad ku heyb ah Ninka wax dilay, waxaana dagaalka ku geeriyooday hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Soomaaliland.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dararweyne, waxaana la sheegay in dagaalka kadib Ciidamada Soomaaliland ay sii wateen howlgalkooda halka maleeshiyaadkii hubeysnaa ay goobta ka carareen.