FAALLO:- Waaba yaabaye ma saasey xukun doon ku yihiin? maya xukun doon ma ahee ee xukun doonimada waa raad gadasho (micnaha dadkaa lagu khaldayaa).

0

Waxaad arkaysaa dad badan oo la yaaban Mucaaradka hadda jra intooda badan sida ay rabaan in ay xukunka dalka ku qabtaan inaysan haba yaraatee aheyn si ay xukunka dalka ku hanana karaan amaba aan dhaho ugu soo dhawaan karaan qabasho iska daaye.

Hadaba waxaa isweydiin mudan nimankaas Siyaasiyiinta sheeganayaa intaas ma garan karaan miyaa, maya wey garan karaan waana naga ogsoonyihiin ee dantoodu maba aha sida ay noo mujinayaan oo ah niman xukun doona ee qaabkaas wey isku qaraniyaan anakayna saas noo muujinayaan si aan loo fahmin ujeedkooda runtaa, ujeedkooda runtaahu waa dhaqaale doon amaba aan dhaho lacag xoog leh inay sameeyaan, taasoo ay ka helyaan Dawlado ay u shaqeeyaan oo dano gaara soomaaliya ka leh, dawladahaas ayey adeegayaal u yihiinn, waxayna shaqadoodu tahay in ay horistaagaan in ay dawladnimada soomaaliyeed taabo gasho oo horey u socoto, taasoo dawladahaasu u arkaan in ayna dani ugu jirin dawlad soomaaliyeed oo xoog leh una istaagta soo saaridda Hantida dhulkeeda iyo badeeda ceegaagta, kana faa`iideysata deeganka istaraatiijigaa oo uu Eebe ku manaystay , taasoo hadey soomaalida u hirgasho oo shaqaysoo ku noqonaysa dawladahaas dhibaato aad u xoog badan oo u keenaysa dhaqaalaha xoog leh oo maantay haystaan inuu aad hoos ugu dhacayo, awoodii mandiqadana soomaali la wareegeyso, si hadaba taas ay uga hortagaan dawladahaasu waxay ka shaqaynayaan kana shaqayn jireen 30 sanoo la soo dhaafey ineysan soomaali tilaabo horey u qaadin, ayagoo aadeegsanaya siyaasiin ku sheeg calooshood u shaqaytyaal ah oo ka shaqeeya qorshahoodaas, una diida in tilaabo horey loo qaado bal dib u noqo oo fiiri laga soo bilaabo Dawladii Madaxweyne C/qaasin ilaa dawladaan Madaxweyne Farmaajo dadka dawladahaas isdabayaaley mucaaradayey waa isla kuwii, meel fogba ha raadin bal fiiri Dawladii Madaxweyne Xasan Shiikh kuwii ugu cadcadaa oo mucaaradi jiray oo wliba si ba`an oo akhlaaq xumaa wax uga sheegi jiray maantay waxay hareero taaganyihiin Madaxweynihii Hore Xasan shiikh ayagoo gaashaan buureysanaya, dantoodu waa mid kaliya taasoo ah inay fuliyaan awaamirta ay siiyaan dawladahay adeegayaasha u yihiin taasoo ah in dawladnimada soomaaliyeed tilaabo horey u qaadin.

Mar ay qabyaalad huriyaan , mar ay dawlada dhexe iyo dawlad goboleedyadu iska horkeenaan aygoo madaxda dawlad goboleedyada ku xiraya dawladahay u shaqeeyaan ilaa xad ay gaarsiyeen madaxda dawlad goboleedyadu inay u dhaqmaan sidii dal madaxbanaan oo gooni u taagan, Mardadka lagu kiciyo maqaam muqdisho, muqdisho Ilaahay baa maqaam aad u sareeya siiyey kaasoo ah in ay nqoto Casimadii Shanta Soomaaliyeed, Mar ay buunbuuniyaan argigaxisada qaraxyada ay shacabka ku hayso taasoo ay uga gol`leeyihiin in dhiiri galiyaan argagixisada ,ayadoo aan ognahay ayaga iyo argagixisada in isku meel laga biilo , adigu bal fiiri nimaankaas meel aysan dureyn oo aysan ceeb u yeeleyn lama arko afarta dhinacba waa u ridyaan .

Marka soomaaliyeey waxba ha ku wareerinina u adeegayaasha ajnabiga, oo marba wax nagula rafanayaa, oo yaanan ku mashquulin marba qorshahay noo keenayaan ee intaan saas u aragno aan u soo wada jeesano saan meesha xun ee la rabo in nala ku hayo saan uga kiici lahayn .

Ma xoolaan nahay 30 sano saw darsi nooguma filna , 30 sano ma waxaan ku sii jirnaa Jug jug meeshaada joog, 30 sano ma calooshood u shaqaystayaan baa qabyaalad nagu beer laxawsanaya, 30 sano kama gudubno miyaa reer hebellow kaca adinkaa la idiin jeedaaya ,30 sano ma waxaan ogolaanaa markii dawladnimadii wadadii ilaa xad qabsatay inaan ogolaano in nimankaas iyo dawladahy u shaqeyaan ay dawladnimadeena lugaha qabtaan oo xaalkeenu dhaafi waayo garnaq xumidii aan 30 sano ku jirnay tusaale Cali Saxan Caydiidna saxan, 30 sano ma waxaan fiirsanaa calooshood u shaqaystayaal inay meeshay rabaan noo jidaan oo naga mashquuliyaan saan uga kaci lahay meesha xun oo naalo .

Soomaaliyeey anagaa lala har ah hadaan 30 sano wax ku baran weyno .

Waxaa qorey Cabdi yare
Email: haisraacdo91@gmail.com