DEG DEG: Ciidanka Amniga oo toogtay qof burcad ah.

0

Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa caawa howlgal ka fuliyay Rugta Qudaarta ee ku taal waaxda Taleex ee degmada Hodan, ka dib markii ciidanka lagu soo wargeliyay in labo nin oo burcad ah oo hubeysan goobtaas shacabka ku dhacaayeen.

Howlgalka ay ciidanka fuliyeen ayaa waxaa lagu toogtay mid ka mid ah burcadkii shacabka dhibka u geysanaayay, waxaa fakaday kii kale.

Waxaa howlgalka ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidanka boliiska rugta xukumaayay, waxaa ku dhintay qof shacab ah.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Zakiye Xuseen Axmed ayaa qoraalka hoose kaga hadashay howlgalka caawa.