AKHRISO:- Akhriso:-Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 22/5/2019 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.

Ajendaha kullanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Maanta ayaa ah horgaynta wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka, oo mari doono Akhrinta 1-aad,sida ay Risaala u sheegeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Arbaco ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan si Akhrinta 1aad loo marsiiyo wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Isniintii waxaa ay ansixiyeen Sharciga Batroolka dalka oo aad looga dooday kullamdii ugu dambeeyay wallow inta badan Madaxda Dowlad goboleedyada ay kasoo horjeedaan.

Dhinaca kale warar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Kulanka Xildhibaanada qaarkood ay kusoo hadal qaadaan xiriirka xilligaan sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo Kenya gaarahaan arimaha Fiisaha loo diiday diblumaasiyiinta Soomaaliyeed.