Soomaaliya oo ka hadashay talaabooyinka xaaladaha ka soo cusboonaaday arrimaha Kenya

0

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadam Koofi, ayaa ka hadlay xiisada cusub ee dhinaca diblomaasiyada ee ka socota dowladda Kenya, taasoo ka dhan ah mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Waxa uu Koofi sheegay ineysan jirin wax xiriir ah oo ay xafiiskiisa la soo sameeyeen waaxda Socdaalka dalka Kenya oo ah kuwa go’aankan qaatay, isagoo tilmaamay inaan jirin wax ogeysiis ah oo la soo gaarsiiyay dowladda Soomaaliya oo muujinaya inuu dhacay Isbedel dhinaca Socdaalka ah.

“Go’aankan waa ku kaligood, wax nala soo xiriiray ma jirto” ayuu yiri Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Goob Joog, isagoo aan bixin faahfaahin intaas ka dheeri ah.

Si kastaba ha ahaatee ma jirto wali wax war rasmi ah oo Villa Soomaaliya ay ka soo saartay talaabooyinka is xig xiga ee Saddexdii bilood ee u danbeysay ay qaadeysay dowladda Kenya, iyadoo aan la ogeyn halka ay arinta ku biya shuban doonto.

Xiisada u dambaysay ee Soomaliya iyo Kenya u dhaxaysa ayaa bilaabatay kadib markii xukuumadda Federaalka ay magaaladda London ku qabatay Bandhig lagu iibinayay shidaalka ku jira Badda Soomaaliya, Kenya waxey ku eedaysay DF inay iibinayso Ceelal shidaalka oo ku yaal xuduud badeedka u dhexeeya labada wadan oo ay Kenya Sheegaynayso