QORMO:- MOGDISHO OO KA NABAD BADAN NEW YORK U.S.A

0
Colaadaha ku ragaay iyo maqnaansho dawladeed oo daba dheeraaday, waxa uu dhaxal siiyay caasimada dalkeena soomaaliya ee Mogdisho in ay ka harto caasimadaha aduunka iyo magaalooyinka waa weeyn ee caalamka daafihiisa. Hayeeshee wax waliba waxay leeyihiin in loo helo xalwaara markii ragiidii u koco.
Dawlada soomaaliyeed ee dalka hanatay 8.2.2017 oo jirta mudo aad u yar oo u kooban oo aan gaarinba xitaa sadex sanood oo kaliya wali,ayaa suuro galisay in ay shaqo dheer oo aad u adag kadib,hantan amaankii iyo kala danbayntii gobolo badan oo kamid ah dalka iyagoo kasifeeyay cadawgii sida shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe iyo meelo kalaba.
Waxaa intaa dheer amaankii iyo kala danbayntii caasimadii soomaaliyeed ee dadka soomaaliyeed iyo aduunkuba quusta ka ahaa, oo gacan bir ah lagu qabtay taasoo dhaxal siisay in mudo hada laba bilood ah ee udanbaysa aynoqotay mogdisho magaalooyinka uugu nabad galyada badan caasimadaha iyo magaalooyinka waa weeyn ee caalamka illaahay mahadiis. maanta shacabkii soomaaliyeed ayaa uugu dhex nool MOGDISHO si nabad ah iyadoo aysan jirin falal dil iyo amaan daro ah marka laga reebo dhacdo qof wax dilay oo ah mid iyo laba kuwaas oo waliba gacan lagu soo dhigay cidii gaysatay.
Waxaa Mogdisho dhaqan u ahayd in dadka lagu dhex toogto maajida suuqyada  guryahooda dhexdooda iyo meel kasta taasoo la oran jiray waxaa wax dilay niman haybtooda la garan waayay! hadana markiiba waa la qabtaa,waxaana wada shaqayn buuxda leh shacabka iyo dawlada oo cadawgooda meel uuga soo wada jeed saday.
Magaalada cariga maraykanka ee NEW YORK oo ah magaalooyinka waaweyn ee dalkaas intaan lagaarinba Caasimada dalkaas ee WASHINGTON DC. Waxaa bilahaan udanbeeya ka dhacay 583 faldanbiyeed oo kala nooc ah,waxaana faldanbiyeed dil ah loo gaystay 48 muwaadin oo aan waxba galabsan,halka MOGDISHO  laba dil oo kaliya ka dhaceen. Maraykanku waa wadamada aduunka lagu tilmaamo in uu ugu xoog weyn yahay uguna dhaqaale iyo aqoon badan yahay,Magaalooyinkiisiina dawladaas sidaas ah waxaa ka nabad badan caasimadeena MOGDISHO.
Waaku faanaynaa,waa ku xamdiyaynaa illaahay nasiiyay amaanka dawladeenanana waa u mahad celinaynaa nabada ku soo dabaashay caasimadeena. maxaa ka wanaagsan maanta in hooyo kastoo soomaaliyeed suuqa u adeeg toonanayso iyadoo nabad haysata oo aan cabsanayn in la dilo,caruurtii oo iskool aadaysa iyagoon ka cabsanayn in la dilo ama la qarxiyo,masaajidii oo nabad loogu tukanaayo ah cabsi la aan in naftooda loo dilo ah. ganaacsatadii oo meheradoodii nabad u wata maxaa ka wanaagsan.
Dawladnimadu maha wax ciyaar ciyaar ah. Dalka soomaaliya waxa uu helay madaxweyne daacad ah ka dheer qabiil ka dheer in uu lacag aruursado oo dalkiisa dhaco sidii xunkii xumaayo xasan ahaa oo maanta xaaraantii iyo dhicii uu dalkiisa u gaystay ay ka muuqato wajigiisa,aduunkana ku ceebaysan aakhirana xisaabi utaal.
Noocyadaas maha madaxweyne farmaajo waa nin qableh han sare leh oo soomaali ah.inta badana madaxda dawlada oo dhami waa dad wanaagsan waana guul u soo hoyatay soomaaliya.madax wadaniyiin ah ayaa inoo kacaday oo taacad ah dalkana u shaqaynaya oo inoo adeegaya. sidaa daradeed waxaa lagudboon soomaaliya dawlad iyo shacaba in aan gacmaha is qabsano dhisano dalkeena oo quruxsano.
Dalka waxaa ka jirta dawlad hana qaaday caalamkuna siweyn utaageersan yahay shacabka soomaaliyeedna garabtaagan yahay.soomaali dhaqaaqday horaybayna usoconaysaa kuwa ku fakaraaya in dalku dib u noqdo oo dawlad la aan iyo fawda lagu jiro,kuwa ku fakaraaya in soomaaliya lagu kala qaybiyo fadaraal hoosta qabiil ka ah oo aan doonayn midno soomaaliyeed iyo dawlad dalkoo dhan hanata,kuwa doonaya fikirkii gumaysi ee dalkeena lagu kala qaybiyay in uu shaqeeyo oo u adeegaya gumaysiga rabana in lakala googooyo soomaaliya intaas oo dhan waa u digaynaa,waana la soo qaban sharcigaana la horkeenaya cidkastoo ka hortimaada israaca iyo walaalnimada iyo dawladnimada iyo midnimada soomaaliyeed.
Wadaniga soomaaliyeed waa ogyahay kuwa dalka hagardaameynaaya,ee gumaysiga uraran. dalkan soomaaliya ayaa leh isku diin isku midab isku diir isku dad isku isir lamana kala qaadi karo,awoowayaasheen ayaa taa hore uga dagaalamay in la kala qaybiyo soomaaliya,oo ay tahay u jeedada loo kala qaybinaayo in dhulkooda qaniga ah ee shidaalku dhex ceegaago iyo dahabku in laga dhaco sidaa hadaba dhulkeenee soomaali galbeed,oo gumaysigu ogaa in shidaal dhex ceegaago iyo gaaska dabiiciga ahi siiyay ethiopia oo xukun gaalo kajiro,waadna u jeedaan in ay markii soomaaliya la burburiyay lasoo baxayaan khayraadkeenii sidaas ayaa dhulkeena loo raaciyay ethiopia.
Jabuuti ayaa laga gooyay soomaaliya,wataa gaalo maamulanayso sidaas ayaa loogu tala galay sababtoo ah jabuuti waxba iskama celin karto waa dad yar waana loogu talagalay. waxa laynoo kala goo goynaayo waxaa weeye dhulkeenaa ayaa ah dhul hodan ah oo laynoo quuri waayay, soomaali oo hal ah oo dawlad kaliya ku midaysan afrika iyagaa u talinaaya waa la ogyahay maxaayeelay halka ay ku taal soomaaliya oo ah istaraatiiji caalami ah iyo dadkoo ah kuwo isku isir ah oo wada dhashay isku afna ah ayaa iska celin kara haday dawlad noqdaan khayraadkoodana la soo baxaan?
Dadka soomaaliyeed iyagaa isu jeedaa cadawgooda ma arkaan waana wax laga shaqeeyay. waa in aan dalkeena dhisanaa shisheeyahana iska celinaa inagoo sifaynayna kuwa uu inagu dhex darsaday marka hore ee isaga u adeegaya fuliyana siyaasadiisa guracan. waxaan wax iskaga celin karaana maha beel iyo gobol iyo mid sidii eygii meelaha ka dhadhawaaqay,waxaan wax isaga celinkaraa oo kaliya dawladnimo buuxda oo adag oo aan dhisano tiina waa haysanaa maanta ee aan shacab ahaan xoojino garab istaagno  mana aha in lagu mashquulo xafiiska siyaasada cida markaa talinaysa waayo waa shaqaale isbadala oo bari tagaaya dawladnimaduse waa mid aan inagu leenahay, waa dantii guud aan ilaashano.
waxaan ku faraxsanahay in MOGISHO iyo NEW YORK maanta ay kala nabad badan yihiin oo MOGDISHO kanabad badan tahay NEW YORK  isbarbardhigii u danbeeyay sanadkan 2019 bilahn u danbeeya hada aan ku jiro. hada waxaa inoo dhiman in aan dhisano quruxsano caasimadeena oo aynaan u kala harin si iskaa wax u qabso ah.
Madaxweynihii uugu wadani sanaa uugu qiimaha badnaa Ilaahay ha u naxariistee Aden cade kadib ee dalkeena soomara waa  xafidullaah muxamed bin cabdullahi farmaajo dalkiisu jecel yahay dadkiisuu jecelyahay diintiisu jecelyahay cadawgana waa ku adagyahay iyo cidkastoo ka hortimaada dawladnimada soomaaliyeed ee hanaqaaday. hadafkiisu waa soomaaliya oo mid ah nabad ah dawlad ah leh qab iyo sharaf. wuxuuna haystaa dariiqii geesiyadii soomaaliyeed s.y.l oo lahaa hadafka ah soomaali oo mid ah oo dawlad qura ah. s.y.l qabyaalad ayay meel iska dhigeen oo ka tageen qurunkeeda sidaa Farmaajo kolkaas ayay guulaysteen sidan farmaajo. ninkastoo ka gudba qabiil ee u gudba qarana waa sidan uun.