Kiisas Cusub Oo Cuddurka Shuban-Biyoodka Oo Laga Helay Gobalka Banaadir

0

Wasaaradda Caafimaadka ee DFS iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa xaqiijiyey in 48 kiisas cusub o ocuddurka shuban-biyoodka laga helay Gobalka Banaadir.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxay sheegtay in shuban-biyoodka dhawaan ka dilaacay Gobalak Banaadir ay u sabab tahay helitaanka biyaha nadiifka oo aad u xadidan iyo Nadaafad-xumida Deegaanadda ay dadka Barakacayaasha ku nool yihiin.

Sida laga soo xigtay Hay’adda WHO waxa sii kordhayso tirada dadka lagu tuhunsan yahay Kiiaska Shuban-biyoodka, tan iyo markii uu Cuddurkaasi dilaacay bishii December ee sannadkii 2017-kii waxaana la diiwan geliyey 7235 Kiis oo ay ku jiraan 46 kiis oo dhimasho ahayd.

Dhinaca kale, tan iyo markii la xaqiiyey talaalka Afka ee shuban-biyoodka (OCV), waxa uu cuddurku ka dillaacay dhowr Degmo oo ku kala yaalla Maamul-gobaleedyadda Jubbaland. Hirshabeelle iyo K/Galbeed.