Hogaamiyaha Somaliland oo sheegay inay sii deynayaan Maxaabiista Puntland uga qabteen dagaalkii Tukaraq

0

Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay xabsiga ka sii deynayaan maxaabiis aanu tiradooda sheegin oo ay ku qabteen dagaalkii ay Puntland kula galeen sanadkii hore deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Muuse Biixi oo ka hadlayay munaasabad lagu soo xirayay xuska 18-ka May oo xalay lagu qabtay madaxtooyada Hargeysa ayaa sheegay inay tallaabadan u qaadayaan sidii loo soo celin lahaa xasilloonida deeganaada ay wali isku hor fadhiyaan labada Ciidan.

Waxaa uu ugu baaqay Maamulka Puntland inay iyagana sii daayaan tiro ka mid ah askarta Somaliland ee lagu qabtay dagaaladii ka dhacay deegaano k amid ah gobolka Sool oo ay dhowr jeer isku fara saareen labada maamul.

“Puntland waxaan ugu baaqayaa in aan idin wadno nabad iyo walaaltinimo iyo in aynu xasillooni ku wada noolaano, waxaan rajaynaynaa in khilaaf dambe dhexdeena ka dhicin, waxaan diyaar u nahay oo aanu nabadda ka bilaabaynaa oo aan doonayaa inaan iclaamiyo oo aan diyaar u nahay in aan sii daynno maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Tukaraq, iyaguna ay soo daayaan wixii ay naga hayaan,” ayuu yiri hogaamiye Muuse Biixi Cabdi.