AKHRISO:- Diyaaradaha Rayidka Ee Mareykanka Oo Looga Digay Inay Dul Maraan Biyaha Khaliijka

0

Hay’adda Maamulka Duullimaadka ee Federalka Mareykanka (FAA) waxay so osaartay La-talin loogu baaqayo Diyaaradaha Ganacsiga Maraykanka inay ka fogaadaan Hawada dalka Iiraan, Biyaha Khaliijka iyo Gacanka Cummaan sababo la xiriira xiisadaha ka aloosan Maraykanka iyo Iiraan.

Bilowgii isbuucan, qaar ka mdi ah Diplomaasiyiinta Safaaradda Maraykanka ay ku leedahay magaalladda Baqdaad ayaa laga daad-gureeyey, sababo dhanka Ammaanka.

Dhinaca kale, Dowladda Iiraan ayaa sheegtay inay wax ka bedeshay marinadda Shidaalka ay dhoofiyaan, sida uu sheegay Ku-xigeenka Agaasimaha Maamulka Dekeddaha iyo Maraakiibta ee dalkaasi, Xadi Xaqshenas.Wax faahfaahin ah kama uusan bixinin Xeeladaha cusub ama marinadda ay u adeegsan doonaan dhoofinta shidaalkooda oo la sheegay inay maalintiiba dhoofiyaan 500,000 oo Fuusto.