Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Laba Heshiis Oo La Horgeeyay

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ansixiyay heshiiskii Baydhabo ee Guddiga Kheyraadka,kaasi oo la hor geeyay Fadhiga Golaha Shacabka.

Kulanka Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu yahay kulankooda 15-aad ee kalfadhiga 5-aad.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay Heshiiska Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah,isla markaana markii dambe ansixiyay.

141 Xildhibaanada  ayaa ogolaatay in la ansixiyo Heshiiska Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah,waxaana diiday 1 Xildhibaan oo kaliya,iyadoona Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka uu Baarlamaanka hor keenay.