Turkiga Oo Joojiyay Qorshe Nin Soomaali Ah Loogu Gacan Gelin Lahaa Mareykanka

0

Maxkamadda Sare ee dalkaasi waxay laashay qorshe la doonayey in Muwaadin Somali ah loo masaafuriyo dalka Holland, kaasi oo khatar ugu jiray in loo gacan-geliyo Hay’addaha Maraykanka.

Ninkaasi oo lagu magacaabo Axmed Diini, haystana dhlashadad dalka Dutch ama Holland waxa uu wajihi lahaa  Amar Soo-qabasho oo ay Hay’addaha Maraykanka ku sheegeen inay ninkaasi ku soo oogi doonaan falal Argagixiso.

Dukumenti ay si qarsoodi ah u aragtay Shabakadda Wararka ee Nordic Monitor ee dalka Sweden ayaa muujiyey inay Maxkamadda Sare Turkiga joojisay go’aan Muwaadinka Soomaalida loogu dhoofin lahaa dalka Holland.

Hay’addaha turkiga waxay xilligaasi u xireen Muwaadinkaasi  isagoo ku jiray Liiska dadka loo doonayey inay xiriir la leeyihiin Alshabaab, waa sida ay qortay Shabakadda Wararka ee Nordic Monitor

Ahmed Diini oo awoowe u ahaa Madaxweynihii hore ee Somalia, Marxuum Maxamed Siyaad Barre waxaa isaga iyo Xaaskiisa oo u dhalatay dalka Jarmalka  lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Istanbul ee dalka Turkiga bishii March 23-dii ee sannadkii 2014-kii, xilli ay ka yimaadeen dalka Msaar, kuna sii jeedeen dalka Holland.

Axmed Diini waxaa horey ugu xirnaa dalka Masar tan iyo bishii August 13-dii ee sannadkii 2013-kii.

Dhinaca kale, Maxkamadda Sare ee dalka Turkiga waxay bishii hore ee April 3-dii dib-u-eegis ku samaysay Kisikaasi, waxayna sheegtay in masaafrintiisa ay xad-gudub ku tahay  Sharuucda Caalamiga.

Maxkamaddu waxay kaloo ku amartay Dowlaadda Turkiga inay Dhibanaha siiyaan lacag magdhow ah oo dhan 10,000 oo Liiraha Turkiga (Turkish Lira).

Axmed Diini waxaa la siiyey Badbaadin, iyadoo lala soconayo Dhaqdhaqaaqiisa, mana jirto go’aan degdeg ah oo lagu masaafurrin doono.