Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Bay

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax khasaare geystay oo goordhaw ka dhacay degmada Berdaale ee gobalka Bay.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ee ka howlgala deegaanada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in qarax Miino lala beegsaday Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda iyo qaar kamid ah ilaaladiisa oo marayay degmada Bardaale.

Kabtan Falar Liibaan oo ahaa Sarkaalkii watay Ciidamada la qarxiyay ayaa la xaqiijiyay in uu qaraxaasi ku dhintay, waxaana dhaawacyo soo gaaray Ciidamo kale.

dhanka kale wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka mid yahay dhaawacyada Taliye Baabuur Halaay Oo hore u ahaa Taliye Xigeenka Ciidanka booliiska KGS.