DHAGEYSO:–Madaxweyne Deni “Waxaan Maqlay In Hal Magaalo Laga Jabsaday Imtixaanka Puntland”

0

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dugsiga sare ee Gambool ee magaalada Garoowe ku daah-furay Imtixaanaadka Shahaadiga ee dugsiyada Sare iyo dhexe ee Puntland, kaas oo ay u farisanayaan arday dhan 15,892 arday, waxaana ay ka qabsoomayaan 106 goobood oo ku yaala dhammaan golada Puntland.

Madaxweynaha waxaa furitaanka Imtixaankan ku wehlinyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo masuuliyin kale.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay si wanaaagsan xil isaga saartay Imtixaankan diyaarintiisa, isla markaana ay salka u dhigtay qorshe adag oo ku dayasho mudan, kaas oo lagu gaarsiiyey dhammaan gobolada Puntland.