DHAGEYSO:-Hogaamiyaha Somaliland oo eedeyn u jeediyay Dowladda dhexe

0

Hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi eedeyn u jeediyay dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in Muddo 30 Sano ay ku heysay Somaliland dhibaato badan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixinayso sidii aan loo aqoonsan laheyn Somaliland oo Ictiraaf raadinaysay Muddo ku dhow 30 Sano.

Waxaa uu sheegay in dhibaatadda soo gaartay xilligii ay ku jireen Soomaaliya ay kasii xun tahay in wali laga hortaagan yahay Ictiraaf.

“Qolada Soomaaliya joogta waxaan leeyahay, dhibaatadii 30-kii sano ee aan mideysnayn aad na gaadhsiiseen waxaa nagaga xun 28-ka sanno ee aan kala maqnayn ta aad na gaadhsiiseen ee aad lahaydeen lama aqoonsan karo Somaliland”ayuu yiri Muuse Biixi.

“Waxaa maanta muuqata in caalamka garwaaqsaday markan in la joogo waqtigii kala gurilaha Soomaaliya iyo Somaliland, waxaan Farmaajo iyo Kheyre, u sheegayaa 28 sano ayey labadaa dal kala maqan yihin, 50jirka Somaliland, wuxuu ku garaadsaday iyadoo Somaliland is xoraynaysa.,50jirka Muqdishana maba yaqaanno Somaliland. Iyadoo la kala maqan yahay ayuu garaad saday” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Muuse Biixi Cabdi.