DHAGEYSO:-Askari dilay Mooto Bajaajle oo Maxkamad lasoo taagay

0

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo gaba-gabeysay dhageysiga eed ka dhan ah Dable Boliis Cali Maxamuud Axmed oo Sideedii Bishan ku dilay Wada Bajaaj AUN Cabdirisaaq Yuusuf Guure Isgoyska Tarabuunka.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka sidda Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay soo saari doonaan Xukunka lagu riday Askari,islamarkaana soo xiray Fadhigga Maxkamadda ee maanta.

Dacwadda ayaa socotay dhowr Maalmood, waxaana Maxkamadda la horkeenay Marqaatiyo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka oo goobjoog ahaa markii uu dilku dhacayay.

Askarta Ciidanka dowladda ayaa maalmihii ugu dambeeyay toogasho ku dilay dhowr Maato Bajaajle, waxaana taasi ay sababtay Kacdoon ka dhan ah dowladda oo ka bilowday Magaalada Muqdisho.