DAAWO:- Wasiiir Gooda Barre” Imtaxanadka Puntland waa fashilmay

0

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa uu sheegay in uu fashilmay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Puntland.

Wasiir Goodax Barre ayaa sheegay in saacadan la joojo imtixaankii saakay ka bilowday deegaanada maamulka Puntland oo ay u fariisteen in ka badan 15,800 oo arday uu si toos ah u fashilmay.

Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka ayaa kulan Jowhar kula qaatay Madaxda sare ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle,Macalimiinta waxka dhigta Iskuulada ku yaalla halkaasi iyo mas’uuliyiin kale.