AKHRISO:- Xuska dabaal degga 18-ka May oo ka socda Somaliland

0

Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliland waxaa maanta laga oogaya, munaasabadda 28 guurada Xuska 18-ka May oo ah maalintii ay Soomaaliland sheegatay inay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin kale ayaa ku sugan bartamaha magaalada Hargeysa, halkaasi oo gaada ka ciyaar ay ku soo bandhigayaan ciidanka kala duwan ee maamulka Somaliland.

18-kii May 1991-kii shirweyne ka dhacay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa hoggaan dhaqameedkii bulshooyinkii ku noolaa Gobolada Awdal iyo Togdheer, waxa ay ku go’aansadeen in ay sameystaan dal ka madax banaan Soomaaliya inteed kale.

Shacabka Somaliland ayaa waxa ay sheegeen maalinkan inay aad ugu faraxsan yihiin 18-ka May, waxayna tilmaameen inay tahay maalin aanay ka tirtirmeyn quluubtooda.