AKHRISO:- Dhakhtar lagu eedeeyay in uu sumeeyay bukaanno

0

Dowladda Faranciiska ayaa la xaqiijisay in ay qabatay dhaqtar lagu eedeeyay in uu sumeeyay dad bukaano ka dib markii uu duray.

Dakhtarkaan u dhashay dalka Faransiiska ayaa loo heystaa dambi ah inuu sumeeyay 17 qof oo bukaan ahaa, waxaa socdaa baaritaannada lagu hayo ninkan la sheegay in uu sumeeyay bukaanadaas.

Baaritaan lagu sameeyay dhakhtar Frédéric Péchier ayaa muujinayaa dhacdooyin kale oo dad lagu sumeeyay, waxaana arrintaas u dhintay ilaa 9 qof.

Frédéric Péchier waxaa uu beeniyay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay balse waxaa uu wajahi karaa xabsi daa’in waa haddii lagu caddeeyo inuu bukaanada sumeeyay.

Qareenkiisa, Jean-Yves Le Borgne ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in baaritaanada aysan caddeynta muujineyn.