SAWIRRO:-Banaanbax Soomaali ay dhigeyso oo ka socda gobol ka tirsan dalka Koonfur Afrika

0

Soomaalida Ku Nool Magaalada Polokwane Gobolka Limpopo ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay banaan baxyo waaweyn saaka ka hor dhigeen Maxkamadda sare ee gobolkaas.

Maxkamadda ayaa kol hore loo gudbiyay dacwadda eedeysane lagu tuhunsanyahay Dilka Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullahi Xassan kaasi oo ilaa hadda aan meydkiisa la helin.

Hayeeshee ehelada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Koonfur Afrika ayaa tuhunsan in la dilay Marxuumka ka dibna la gubay.

Eedeysanaha lagu tuhmayo lagana gudbiyay dacwadda ayaa lagu magacabaa Humphrey Mothata waana 26 jir u dhashay Koonfur Afrika.