Mareykanka oo Taalibaan u celinaya kharashkii uga baxay ka qeybgalka shirarkii Dooxa

0

Maamulka madaxweyne Trump ayaa in muddo ahba doonayay in Taalibaanka dalka Afqaanistaan uu dib ugu celiyo kharashaadkii kaga baxay wadahadallada nabadda ee dhawaan ka dhacay dalka Qadar, sida uu sheegay mas’uul ka shaqeeya Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka.

Afhayeen u hadlay xildhibaan ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ayaa BBC-da u sheegay in waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee The Pentagon ay horraantii sanadkan codsatay kharash lagu bixiyo cunnada iyo jiifka ergada Taalibaanku ku matalaya kulamadaasi nabadda.

Balse codsigaasi ayaa la diiday sababo la xiriira cabsi ah in arrintaasi ay ka dhignaan karto taageero sharci darro ah oo la siiyay argagixisada, sida uu sheegay mas’uulkaasi.

Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee The Pentagon wali kama aysan hadlin arrintaasi.

Tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii 2018-kii, magaalda Doxa ee dalka Qadar waxaa Mareykanka iyo Taalibaan ku dhex maray lix kulan oo ka mid ah wada xaajoodyada nabadda, waxaana ujeedadu ahayd in la fududeeyo sidii Mareykanka uu dalkaasi Afqaanistaan kaga baxi lahaa qaab nabdoon.

Lacagta ay dalbatay waaxda gaashaandhigga Mareykanka ayaa la doonayay in lagu bixiyo kharashka ururka Taalibaan uu ku bixiyay ka qeybgalka kulamadaasi nabadda, gaar ahaanna cunnada, jiifka iyo gaadiidka ay isticmaalayeen ergada Taalibaan, sida uu sheegay Kevin Spicer, oo ah afhayeenka xildhibaanka laga soo doorto Indiana, Peter Visclosky.