Madaxweyne Lafta Gareen iyo odayaasha Koofur Galbeed oo ka shiray Arinta Roobow

0

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta gareen ) iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa maanta oo jimca ah la kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka  ee ka soo jeeda deegaanada koonfur galbeed.

Kulanka ayaa inta badan waxaa lagu lafa guray Wadaadka Roobow ee weli u xiran Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo wax kaga qorsheysan maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Odayaasha ayaa la sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka  ay u gudbiyeen cabasho ku aadan in Mukhtaar Roobow uu mudo dhowr bilood ah xiran yahay, iyada oo aan wax maxkamad ah la geyn, taasina ay dhabar jab ku tahay maamulka iyo Shacabka koofur Galbeed Soomaaliya.

Madaxda Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka ayaa isku afgartay in si deg deg ah loo xaliyay arinta Roobow.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa odayaasha dhaqanka ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan horumarka deegaanada Maamulka Koofur Galbeed.

December 13,  sanadkii 2018-ka ayaa Wadaadka Roobow waxaa laga soo xiray magaalada Baydhabo, iyadoona diyaarad qaas ah lagu keenay Muqdisho, kadibna waxaa loo gudbiyay  xarunta nabad sugidda ee magaalada Muqdisho, halkaasoo lagu xiray.

Mukhtar Roobow ayaa isu dhiibay Dowladda Soomaaliya bishi August ee sannadki 2017. Bishii June ee isla sannadkaas ayay dowladda Mareykanka ka qaaday 5 milyan oo doollarka oo saarneyd madaxiisa.

Abuu Mansuur ayaa ka mid ahaa aas-aasayaashii  dagaalamayaasha  Al-Shabaab oo uu ka noqday ku xigeenka Al-Shabaab.