DAAWO:- Faysal Cali Waraabe”Xildhibaan Dhakool Dembi wayn ayuu Galay”

0

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waare ayaa sheegay in xildhibaan Maxamed Axmed Dhagool oo ku xiran Magaalada Hargeysa uu galay dambi weyn oo ka dhan ah Jiritaanka Somaliland.

Waxaa uu sheegay in uu kasoo horjeestay 18 May oo ah maalintii ay Somaliland ka go’day Soomaaliya inteeda kale, islamarkaana loo baahan yahay in sharciga la marsiiyo.