AKHRISO:- Maxkamad ku ganaaxday 10 Malyan oo Dollar Madaxweynihii hore ee Kenya Moi

0

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa amartay in madaxweynihii hore Daniel Arap Moi uu bixiyo ku dhawaad 10 milyan oo dollar isaga oo siinaya qoys uu si sharci darro ah ugala wareegay 53 aykar muddo haatan laga joogo 36 sano ka hor, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Wargeyska gaarka loo leeyahay ee Daily Nation ayaa sheegay in 21 Sabtembar 1983 uu madaxweynahan hore amray in saraakiishu ay magaciisa ku diiwaan galiyaan dhul uu lahaa Noah Kipngeny Chelugui

Wargeyska ayaa sheegay Moi uu 24 sano ka dib dhulkaas ka sii iibiyay qoyska Jaswant Rai.

Telefishinka Citizen TV ayaa ku warramay in xaakimkii maxkamaddu uu sheegay in dhulka loola wareegay “si sharci darro ah” isla markaasna “aysan u qalmin in dastuurka uu difaaco dhulkaas”.

Xukunkan waxaa ridday Maxkamadda sare ee Eldoret, waxayna sheegtay in ficilka madaxweynuhu uu sharci darro ahaa waxayna amartay in madaxweynihii hore iyo shirkadda Rai Plywood (K) oo lala xiriiriyay qoyska Rai ay qoyska Chelugui siiyaan lacag ku dhaw 10 milyan oo doolar oo lagu sheegay qiimaha uu dhulkaasi hadda joogo.

Xaaska ninkii dhulkan lahaan jiray oo 85 jir ah iyo wiil uu dhalay ayaa dacweeyay Moi, Rai Plywood iyo shirkado kale.