Militariga Sudan oo dadka mudaharaadaya ka dalbaday in kala tagaan

0

Wadahadaladii a socday Sudan ee la doonayay in xukunka loogu wareejiyo Shacabka ayaa la joojiyay Sedex maalmood waxaana joojiyay Hogaanka military-ga oo dalbaday in dadka mudaharaadaya ay kala tagaan.

War laga siidaayay Television ayaa Golaha military-gu waxay ku dalbaden in Xayndaabka ay dadku ka sameeyeen Magaaladda Khartuum la nadiifiyo isla markaana la furo wadooyinka.

Arrintaan ayaa waxaa ay imaaneeysaa saacado kadib markii Golaha ku meelgaarka ah iyo mucaaradku ay ku heshiiyeen Sedex Sano oo kala guur ah dalkana lagu gaarsiinayo Xukun Rayid ah.

Rasaas ayaa lagu riday Dadka jooga wadooyinka iyaa la isu dayayo in la nadiifiyo Jidgooyadda wadooyinka taala.

Dadka u ololeeya mudaharaadayaasha ayaa ku eedeeyay Ciidamadda in aySagaal qof dileen.