Hirshabelle oo Shaqa Joojin ku sameeysay Gaadiidleyda ka shaqeysa inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar

0

Maamulka Hirshabelle ayaa Shaqa Joojin ku sameeyay Gaadiidleyda ka shaqeysa inta udhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar.

Shaqa Joojintan ayaa timid kadib markii Darawalada Gaadidka ay Diideen in ay qaadan Shacab loo Diyaariyay Soo dhaweynta Madaxweynaha Hirshabelle Xili uu ka soo Noqday Magaalada Garoowe.

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in go’aanka ka soo baxay Maamulka Hirshabelle maanta laga dareemayo Magaaladaasi, waxaana la arkayaa darawalada gaadiidleyda oo cabanaya.

Gaadiid badan ayaa isticmaala inta udhaxeysa  magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Amarkan ka soo baxay Maamulka Hirshabelle ayaan la ogeyn sida uu u dhaqan geli doono.