DHAGEYSO:-Soomaaliland oo joojisay Shidaalkii ugu imaan jiray deegaanada deriska la ah

0

Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga xukuumadda Somaliland Mustafe Maxamuud Cali (Bile) oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday inay guud ahaanba joojisey qaar kamid ah ganacsigii ka soo geli jirey xuduudaha ay laleedahay deegaanada Soomaaliya iyo dalalka kale ee deriska la ah.

Sababta ay Soomaaliland ku joojisay shidaal uga imaan jirey dhanka deegaamada Puntland iyo badeecooyin kale ayaa waxaa ay ku sheegtay in xilligan uusan Wanaagsaneen Shidalkii ka ka imaan jiray deegaanada Soomaaliya iyo dalalka ka agdhow.