DHAGEYSO:-Madaxweyne Farmaajo oo markii u horeysay ka hadlay shirkii Garowe ee natiijo la’aanta ku dhamaaday

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay ka hadlay shirkii natiijo la’aanta ku soo dhamaaday ee madaxda Soomaalida mudada shanta maalin uga socday magaalada Garowe.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay ka hadlayay Munaasabadda 15-ka May ayaa sheegay in shirkaasi Ajandaha la isla ogaa uu ahaa sidii looga arirnsan lahaa amniga guud ee dalka, balse madaxda maamul goboleedyada ay bedeleen Ajendaha, iyagoo ka dhigay in laga wada hadlay arrimaha Siyaasada oo shirka diirada lagu saaro.

“Annagu waxaan soo jeedinay in shirkaasi looga hadlo arrimaha amniga, maadaama amniga ugu weyn yahay muhiimada Koowaad, dowlad goboleedyada madaxdoodana ay qeyb ka yihiin golaha amniga Qaranka, arrintaasi waa nalagu diiday waxaa la yiri waxaa laga hadlayaa marka hore Siyaasada in laga heshiiyo, ma xumo Siyaasada in laga heshiiyo macnaheedu waxey tahay waa dood furan” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay inaan fashil lagu tilmaami karin shirka, maadaama sida uu hadalka u dhigay ay wada fariisteen madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada oo aan yeelan mudo ku dhow sanad shirkii golaha amniga Qaranka.

Waxaa uu ku eedeeyay dowlad Goboleedyada inay doonayeen sameynta Madal aan sharci aheyn, isagoo xusay in horay loo soo arkay Madax wixii khasaare iyo faa’ido ay laheyd la ogaa, sidoo kale waxaa uu xusay in maamul goboleedyada ay doonayeen in gacanta loo geliyo sharciga doorashooyinka oo iminka hor-yaala Baarlamaanka, isla markaana uu marayo wadada sharciga.