DHAGEYSO:-Madaxweyne Farmaajo oo Madaxweynaha Galmudug ku tilmaamay Qof Xanuunsan

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ka qeyb galay Xuska 15 may oo ah maalinta dhalin yarada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ka hadlay shirkii maalmo ka hor madaxda Dowladda dhee iyo maamul gobaleedyada ugu soo idlaaday Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ka soo horjeeysteen in la sameeyo madal u dhaxeeysa dowlada dhexe iyo maamul goboleeeyada.

Madaxweyne Farmaajo oo soo hadal qaaday arinta Maamulka Gal-mudug ayaa sheegay watashi badan kadib uu madaxweyne Xaaf uu ka hor yimid arimo badan oo lagu heshiiyay.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu si kaftan ah uga hadlay sababta uu Madaxweyne Xaaf ugu baxay Shirkii Garoowe, waxaa uuna Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay Madaxweyne Xaaf inuu yahay qof Xanuunsan oo daawo ah.