Ciidamo ka tirsan AMISOM oo lagu qarxiyay duleedka Muqdisho iyo Al-Shabaab oo sheegtay

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Carbiska ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi Ciidamada AMISOM lagula egetay qarax xooggan, kaasoo laga maqlay qeybo ka mid ah deegaankaas iyo deegaanada ku dhow dhow.

Sida wararku sheegayaan qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa qabsatay mid ka mid ah Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidanka AMISOM, xilli ay ku soo socdeen dhinaca magaalada Muqdisho, waxaana jugta qaraxa xiigtay rasaas xooggan.

Al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxa ay la eegteen gaari Taaw ah oo Ciidamada qaada ay ku dileen 8 askari, burbur xoogganna uu gaaray gaariga la qarxiyay, kaasoo shalay gelinkii dambe marayay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka AMISOM oo ku saabsan sheegashada Al-Shabaab, balse maalmihii dambe waxaa wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ku soo batay qaraxyada Miinooyinka.

Ciidmaada amaanka ayaa la sheegay inay dhowr jeer howlgallo ka sameeyeen wadadan, kuwaasoo ay ku soo qabteen xubno lala xiriiriyay Shabaab iyo miinooyinka dhulka la geliyay.