AKHRISO:- Muwaadin Somali-Australian Oo Qirtay Inuu Weerar Geysan Lahaa

0

waxaa Maxkamadda Sare ee Gobalka Victoria ee dalkaasi waxaa la soo taagay Cali Khaliif Cali Shire oo 22-jir ah, kaasi oo lagu eedeynayo inuu qorsheynayey inuu weerar ka geysto Barxad lagu qaban lahaa Dabaaldegga dhalashadda Sannadkii 2018-kii.

Qareenkiisa oo lagu magacaabo Jarrod Williams ayaa waxa uu Maxkamadda horteeda ka xaqiijiyey qirashadiisa.

Cali Khaliif Cali Shire oo ah Muwaadin haysta Dhalashadda Australia ayaa waxaa lagu soo oogay Eedeymo la xiriira in muddadii u dhexeysay bilihii March iyo April ee sannadkii 2017-kii uu diyaariyey qorshe uu ku weerari lahaa Fagaaraha Federation Square bishii December 31-dii ee isla sannadkaasi.

Boliska waxay dhegeysan jireen Mobaylkiisa ilaa bishii October ee sannadkii 2016-kii, sida laga sheegay Dhegeysiga Guddi Maxkamadeed.

Eedeysanaha waxa uu ku jiray gacanta Boliska tan iyo bishii November ee sannadkii 2017-kii, xilligaasi oo ay Boliska ka soo qabteen Dhismo laga dukaamaysto.

Eedeysanaha, Ali Khalif Shire Ali, waxa uu maanta ka soo hor muuqday Maxkamadda Sare ee Gobalka Victoria ee dalkaasi, si uu u qirto baaritaanka ku aadan qaabka uu ku helay hubka iyo rasaasta iyo diyaar-garowgiisa qorshaha uu weerarka ku geysan lahaa dabayaaqadii sannadkii 2017-kii.

Xeer-beegtida Maxkamadda waxaa la sheegay inay kulan kale ka yeelan doonaan dhegeysiga qirashadiisa iyo xukunkiisa bisha August ee sannadkan.

Dhinaca kale, Ali Khalif Shire Ali waxay walaalo ahaayeen Xasan Khaliif Shire Cali, kaasi oo ay Boliska Australia toogteen bishii November 9-diiee sannadkii hore, xilli uu gaarigiisa dab qabadsiiyey, isla markaana uu 3 qof ku tooreeyey bartamaha Degmadda Ganacsiga ee magaalladda Melbourne.