Akhriso:-Al-Shabaab oo sii deynta Dhaqaatiirta Cuba ku xirtay Madaxa furasho

0

Sida uu daabacay wargayska Kenya kasoo baxa ee Daily Nation dagaalamyaasha al-Shabaab ayaa madax furasho ku dalbaday sii deenta dhaqaatiir u dhashay dalka Cuba kuwaas oo ay al-Shabaab bishii tagtay kasoo qafaasheen gudaha dalka Kenya.

Madaxa furashada ay dagaalamyaasha Al-Shabaab dalbadeen ayaa gaarayso Sh150 milyan oo shilin lacagta Kenya sida ay sheegeen Ergo goor sii horeesay loo xil saaray wada xaajoodka al-Shabaab ee lagu sii deenayo dhaqaatiirtan.

Odayaasha dhaqan ee wadahadalka loogu diray al-Shabaab ayaa ka ruqaansaday degmooyinka Mandera iyo Balad-Xaawo iyagoona gaaray deegaano u dhaxeeya Buale iyo Ceel-Cade halkaasi oo ay kula kulmeen saraakiil katirsan al-Shabaab.

Odayaashan dhaqan ayaa sidoo kale xaqiijiyay in labadan dhaqtar oo u kasoo wada jeeda dalka Cuba ay haatan nool yihiin xaaladooda caafimaadna ay aad u wanaagsantahy waxa ayna haatan ku suganyihiin deegaanada ay al-Shabaab maamulaan.

Weerarka ay Al-Shabaab kusoo qafaasheen dhaqaatiirtan ayaa dhacay 12’kii bishii April ee inadhaaftay iyagoona waqtigaasi sidookale dilay askari ilaala u haa dhaqaatiirtan.