SAWIRRO:-Shil Khasaare Nafeed geystay oo ka dhacay gobolka Bari

0

Inta la xaqiijiyay Seddax ruux ayaa ku geeriyootay 11 kalana dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray ka dib markii maanta uu shil Gaari ka dhacay laamiga dheer ee xiriiriya  magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, gaar ahaanna nawaaxiga degmada Carmo ee gobolka Bari.

Shil ayaa dhacay ka dib markii gaari BL ah oo ka baxay magaalada Boosaaso kuna siijeeday magaalada Garoowe ay isku dhaceen gaari Booyad ah oo isna wadadaas ku socdaalayay.

Labada gaari oo burbur xoog leh uu ka soo gaaray shilkaasi ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay Seddax ruux, halka dhaawacyadu ay gaarayaan ilaa 11 qof kuwaasi oo qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo halis ah.

Dadka ku dhaawacmay shilka ayaa markiiba loola cararay isbitaalka magaalada  Carmo ee gobolka Bari, halkaasi oo haatan dhaawacyadooda lagu dabiibayo.

Marar badan ayaa laamiga dheer ee xiriiriya magaalooyinka waaweyn ee Puntland waxaa ka dhacay shilal nuucaan oo kale ah, kuwaas oo inta badan la sheego in ay sabab u tahay  wadooyinka oo liita, iyada oo ay hada u dheertahay Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaanada maamulkaas kuwaas oo waxyeelo u geystay qaar ka mid ah wadooyinka deegaanada maamulka Puntland.