SAWIRRO:-Raiisul wasaare kuxigeenka Dalka oo bogaadiyay kobaca dhaqaale ee Dalka

0

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (khadar) Ra’iiusl wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Munaasabad uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ee wasaraadda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa siweyn uga hadlay ahmiyada wasaradaasi ay u leedahay horumarka ilaha dhaqaale ee dalka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in wasaradada Ganacsiga ay kamid tahay kaabayaasha dhaqaale ee dalka,loona bahan yahay in sare loo qaado wax soo saarkeeda dhinaca Ganacsiga iyo Warshadaha,iyadoo laga faa’ideysanayo hay’adaha caalamiga ah Ururada ganacsi iyo dowladaha daneeya Soomaaliya,kuwaasi oo intood badan horey heshiisyo loola galay.

Wuxuu kula dardaarmay wasiirka cusub in uu halkeeda ka sii amba qaado shaqada culus ee hortaala,isagoo wasiir Maareeye ku ammaanay waxqabadkiisa mudadii xafiiskaasi uu joogaya.

“Wasaaradda Ganacsigu waxaa ay kamid tahay ilaha dhaqaale ee dalka,kuwoodi ugu waaweyn,marka mudane wasiir waxaan kugula dardaarmayaa in howshaasi aad dardargelin doonto,maareeyana waxaana leeyahay waad ku mahadsantahay howshii adkeyd ee aad soo qabatay mudadii wasaaradda aad joogtay,hadana laftigeedu waxaad joogtaa wasaraada lafdhabar u ah Dalka”. Ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Munaasabadda uu xilka kula wareegayay wasiirka csuuab ee wasaraadda Ganacsiga Soomaaliya waxaa ka qeybgalay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka,wasiirro ka tirsan xukuumadda xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

Ugu dambeyn waxaa shahaado sharaf ku aadan shaqo wanaagiisa la guddoonsiiyay mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay u garteen maamulka iyo shaqaalaha wasaaradda Ganacsiga intii uu xafiiskaasi joogay.