SAWIRRO:-Madaxa AMISOM iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah Shabaab

0

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Ambassador Francisco Madeira ayaa xerada Xalane ee Ciidanka AMISOM ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-Dambe) iyo xubno kale oo Wasaarada ka tirsan.

Waxa ay kulankooda diirada ku saareen sidii loo xoojin lahaa wada sahqeynta ka dhexeysa, iyadoo la isla soo qaaday jaangoynta howlgalka ka dhanka ah Shabaab oo khatar muuqata ku ah amaanka guud ee dalkan.

Amb. Madeira iyo Amar Dambe, ayaa isla qaatay sidii loo bilaabi lahaa howlgallo aan kala joogsi leheyn oo lagu tagayo deegaanada Shabaab ay ku xooggan yihiin, ujeedka howlgalkanna yahay sidii go’doonka looga qaadi lahaa magaalooyinka Shabaab ay xanibaada saareen.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa fadhiga oo dhacay Talaadadii shalay ka sheegay iney Xukuumada Soomaaliya oo uu isaga wakiil ka yahay diyaar u tahay dhaqan gelinta dhamaan qodobada ay isla meel dhigeen ninka ugu sareeya howlgalka Amisom.

Ambassador Francisco Madeira, ayaa dhankiisa qiray in Ciidamada Soomaalida guulo waaweyn ay kaligood gaareen, wuxuuna si gaar ah u soo qaatay qabashada deegaanada Bariire iyo Sabiid ee gobolka Sh.Hoose.

“Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay qaadato mas’uuliyadda Sugidda amnigeeda, waxa aad aragteen sabiid oo ay Soomaalida qabteen, waxaa sidoo kale aragteen Bariire oo ay hadda hayaan ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo meelo kale oo lamid ah, si wadajir ah ayaan usii wadi doonaa, waxa aan u gacan gelin doonaa ciidamada Soomaalida howlgalada qaarkood, Ciidanka AMISOM waa ay u madax banaaneen doonaan, sidoo kale waxa aan u gacan gelineynaa sidii ay u qaadi lahaayeen howlgalo ciidamada Soomaaliya” ayuu sheegay Ambassador Madeira.

Kulanka waxa uu ku soo beegmay Saacado yar uun kadib markii ay Shabaab weerar Ismiidaamin ah shalay ka geysteen xarunta degmada Wardhiigleey ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku dileen dad ku dhow 10 ruux, iyadoo su’aalo ay ka taagan yihiin sida Shabaab ay ku gaareen xarunta degmada oo ku dhow Villa Soomaaliya, maadaama magaalada ay kala xiran tahay.