Puntland oo amar duldhigtay shaqaalaha Ajaanibta ah ee ka Shaqeeya deegaanadeeda

0

War-Saxaafadeedka  ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha Maamulka Puntland ayaa amar waxaa lagu  dul-dhigay Shaqaalaha Ajaanibta ah ee ka howlgalla deegaanada Puntland.

Wasaarada Shaqada  ayaa waxaa ay amartay shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala degaannada Puntland,, iyagoona ku amartay in ay muddo bil ah gudaheeda ku soo gudbiyaan xogta shaqaalahooda oo dhameystiran.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana) oo laga tix-raacay xeerka shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa Hay’adaha lagu amray in aysan shaqaalayn karin qof aan hab sharciga waafaqsan soo marin.