Iran oo ka baxday qaybo kamid ah heshiiskii xakamaynta hubka Niyukleerka

0

Dowladda Iran ayaa ku dhawaaqday in ay si toos ah u joojisay dhaqan galinka qaybo kamid ah heshiiskii Niyukleerka oo ay sanadkii 2015’kii lagashay quwadaha caalamka.

Isbuucii hore ayay ahayd markii Iran ay ku wargalisay wadamada Shiinaha, Faransiiska, Germalka, Ruushka iyo Britain in ay qorsheenayso in ay ka baxdo heshiiska Xakamaynta hubka Niyukleerka kadib markii uu sanad kahor heshiiskaasi ka baxay Mareykanka.

Tehran ayaa heshiiskaasi ugolaanayay in ay hoos u dhigto soo saarista kiimikada uranium’ka iyadoona haatan ku hanjabayso in ay kor dhinayso.

Iran ayaa u sheegtay wadamada wali qaybta ka ah heshiiskaas in ay wax ka qabtaan cadaadiska iyo cunaqabateenada dheeraadka ah oo ay saartay dowlada Mareykanka muddo 60 maalin ah gudahood.

Xiisada Mareykanka iyo Iran ayaa sara usii kacday maalmo kahor Mareykanka uu ciidamo gaaraya 120,000 oo askari geeyay bariga dhexe kuwaas uu ku sheegay in ay ka hortagayaan qatarta Iran.