AKHRISO: TAARIIKH NOLOLEEDKA DR. NUUR DIIRIYE XIRSI (FUURSADE)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hadaba TAARIIKH NOLOLEEDKA DR. NUUR DIIRIYE XIRSI (FUURSADE) OO KOOBAN HALKA HOOSE KA AKHRISO:-

▪ Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) Wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan sanadkii 1952-dii.

▪ Waxbarashada Dugsiga Hoose iyo barasha Qur’aanka wuxuu ku qaatay isla Beledweyn.

▪ Waxbarashada Dhexe iyo Sare wuxuu ku qaatay Dugsiyada Bartamaha iyo Raage Ugaas ee magaalada Muqdisho.

▪ Shahaadada Koowaad ee Jaamacadda wuxuu ka qaatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed isagaa kamid aha dufcaddii ugu horreysay ee Kulliyadda Injineeriyada.

▪ Shahaadada labaad (Masters) iyo Phd wuxuu ka qaatay Jaamacadda Misouri (USA) sanadihii 1983 ilaa 1987 sida ay u kala horreeyaan.

▪ Wuxuu taniyo 1978-dii Bare-kaaliye, Bare, Bare Sare iyo Professor ka noqday jaamacado iyo Macaahid kala duwan oo ay kamid yihiin Jaamacadda Ummadda (Soomaaliya), Jaamacadda Missouri (USA), Jaamacadda UAE ee Al Ceyn (Isu-tagga Imaaraadka Carabta) iyo Koleejka Seneca (Canada).

▪ Wuxuu intii u dhaxaysay 1987-2017 talo-bixin iyo tababarro ku saabsan culuumta kumbiyuutarka, Dad dhigista (Data-base) iyo barnaamijyada la xiriira teknoolajiyadda siiyay shirkado gaar loo leeyahay iyo Jaamacado ku yaalla dalalka Mareykanka, Canada, UAE iyo Soomaaliya.

▪ Sanadkii 2017 ilaa iyo hadda wuxuu qeyb ka ahaa Maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo loo magacaabay La-taliyaha dhanka Istiraatiijiyadda.

▪ Waxyaabihii uu ka shaqeeyay waxaa kamid ahaa Mashruuca Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha oo ay gacan ka geysanayaan Dowladda Baakistaan iyo Bankiga Adduunka kaas oo ay haatan dhammeystirkiisa ka shaqeynayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

▪ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka May, 2019 waxa uu u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.