AKHRISO:- Shaqaale Hay’ad Samafal Oo Laga Afduubtay Gobolka Gedo

0

Rag loo maleynayo inay yihiin Al-Shabaab ayaa maanta 10-kii barqanimo laba qof oo ahaa shaqaale samafalayaal ah ka afduubtay gobolka Gedo.

Labada qof oo ka kala shaqeynayay hay’adaha Trocaire iyo World vision, ayaa laga afduubtay degmada Geedweyne oo qiyaastii 30 km dhanka qorax kasoo bax kaga began degmada Dooloow.

Labada qof ee la afduubay ayaa ahaa shaqaale Soomaali ah oo magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Suubow Cabdulle iyo C/laahi Rashiid (Eng. GBS).

Mas’uulyiin ka tirsan laamaha amaanka ee Gobbola Gedo oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in labadaan qof la afduubtay xili ay ku guda jireen shaqo ay u tageen deegaanka Geedweyne ee Gobboka Gedo.

Wararka qaarna waxa ay sheegayaan in ka hor inta aan la afduubanin labadan qof ay ka yimaadeen dhanka degmada Luuq ee isla gobbolka Gedo.