Warbixin: Taariikhda Halgankii SYL

0

Taariikhda Xisbigii SYL lama soo koobi karo, balse waxaan si kooban uga hadlayaa Asaaskii Xisbigii Legada (SYL) oo Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madaxbanaanida. SYL waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah “Somali Youth League”, Leegana waa iyadoo af Talyaani ah “Lega dei giovani Somali”, Waqtigii la unkay xisbiga wuxuu ahaa waqti lagu jiro dagaalkii labaad ee adduunweeynaha, carriga Soomaaliyana waxaa waagaas ka taliynayey dawladda Ingiriiska oo jabisey Fashiistadii Talyaaniga. Xukunkii Faashiga ahaa ee talyaanigu wuxuu Soomaalida ku hayey cunaqabatayn iyo cabburin xad-dhaaf ah oo leh dhinca kasta, ha ahaato xag dhaqaale, xag bulsho iyo xag siyaasadeedba. xukunkaas markuu dhacayna waxuu shacabka Soomaaliyeed dareemay nafis, waxaana soo gashay yidadiilo iyo waa cusub.

Waxaa waagaas dalalka Aasiya iyo Afrika ka jirtay neecoow gobanimadoon ah oo fanfiniinkeedu soo gaaray Soomaaliya,Waxaa waagaasi Magaalada Xamar ku noolaa niman Talyaani ah oo ka tirsan Xisbiga Hantiwadaagga Talyaaniga. Nimankaas oo isqarin jirey ayaa dibedda u soo baxay ka dib markii Fashiistadii dhacday oo bilaabay inay cambareeyaan taliskii faashiga ahaa. Waxay kaloo sameeysteen naadi ay ku kulmaan, waxaana dhacday in Yaasiin Cismaan oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Ururka SYL uu bilaabay inuu fikradda gobanima-doonka la qeybsado bulshada, wuxuu si gaar ah u abbaaray dadkuu islahaa waa maskax furan yihiin, waxaana dadkaasi ka mid ahaa: Karaaniyaasha dawladda, ganacsatada, culumaa’uddiinka iwm.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Yaasiin shir ugu qabtay gurigiisa, waxaan ahaayeen 7 ama 8 dhalinyaro ah, wuxuuna soo jeediyay talada ah in la bilaabo dhaqdhaqaaqa xornimada-doonka Soomaaliyeed,Markaasi ayuu bilowday dhaqdhaqaaqa, Nin waliba wuxuu la xiriiray qofkuu yiqiin, unna ku kalsoonaa, muddo bilo ah gudahood ayay is uruursadeen 13 dhallinyaro ah oo diyaar u ah inay dhisaan xisbiga, islmarkaana u babacdhigaan halganka gobanimadoonka.

Dhismihii Xisbiga, 13 dhalinyaro ah oo nasiib u yeeshay inay noqdaan asaasayaashii Xisbiga SYL, ayay magacyadoodu kala yihiin:-

1. Yaasiin Xaaji Cismaan
2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin 9. Khaliif Huudow Macallin
3. Maxamad Cismaan Baarbe. 10.Cismaan Geedi Raage
4. Maxamad Faarax Hilowle 11. Dheere Xaaji Dheere
5. Sayidiin Xirsi Nuur 12. Maxamad Cabdalla Xayeesi
6. Maxamad Cali Nuur 13.Cali Xasan Maxamad “Verdura
7. Daahir Xaaji Cismaan
8. Xaaji Maxamad Xuseen

Shirkii ugu horreeyay waxay ku yeesheen qol, ay ka kireeysteen waddada “via Roma” ee Muqdisho. Shirar iyo tabaabusho ka bacdi, waxaa la soo gaaray xilligii si rasmi ah loo furi lahaa, loona diiwaangelin lahaa Xisbiga. Habeenkii taariikhdu ahayd 15ka Maajo 1943, ayaa Yaasiin Xaaji Cismaan soo hordhigay barnaamijkii Xibiga oo ka kooban 13 qodob.

Qodobadaas waxaa ka mid ahaa:-

• In loo halgamo, lana xaqiijiyo Gobanimada iyo Madaxbanaanida Ummadda
Soomaaliyeed.
• In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno.
• In xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin
tacliin la’aanteed.
• In af Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta Cismaaniyada, iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.
• In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
• In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka iwm.

Kadib waxay doorteen Hoggaanka Ururka, waxaana Guddoomiye loo doortay
Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye
Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen halka Yaasiin Xaaji Cismaan loo doortay Xoghaye Guud. Waxaa kaloo la go’aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ulajeedada siyaasadeed ee Xisbiga ilaa iyo intuu ka hanaqaadayo. Sidaas daradeed, waxaa Xisbiga loo bixiyey magaca ah “Somali Youth Club” ama Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa sidaas loo yeelay in Maamulka Ingiriiska loo tuso Xisbiga inuu yahay naadi dhallinyaro oo u go’an arrimaha bulshada iyo dhaqanka si looga gaashaanto carqalad iyo tacaddi ka imaan kara xaggiisa.

Subaxdii 15 Maajo 1943, waxay tageen xafiiskii Dhiinsiga Ingiriiska, iyagoo wadata codsigii (petition) lagu dalbayey ruqsada Naadiga, kadib waa loo ogolaaday,Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay. Waxaa ku soo biiray taageerayaal aad u farabadan oo mutadawiciin ah. Waxaa cirka maray magaciisa iyo maqalkiisa. Gobollada iyo degmooyinka waxaa ka yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku cudsanayaan in Xisbiga loo furo. Waxaa moodaa in shacabka Soomaaliyeed sugayey dhawaaqa oo keliya, waxaana laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil. Islamarahaantaas, waxaa si lixaad leh u batay taageerayaashiisii ooy ku dhan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm. Horumarka Xisbigu ku tillaabsaday sanooyinkaas wuxuu ahaa mid la yaab leh oo mucjiso ah oo aan taariikhdiisa halkaan lagu soo koobi karin.

Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:-Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin, damaca gumeeystayaasha. Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii, iyo Axsaab Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo Xisbiga laga horkeenay.

Galab ayaa Xisbigu qabtay shir lagu cusamay Soomaali iyo Ajnabiba, waxaana halkaas khudbad ka jeediyey, isagoo ku hadlaya magaca Xisbiga, Yaasiin Xaaji Cismaan oo ku dhawaaqay in Xisbiga loo bixiyey Somali Youth League (SYL), uuna yahay Xisbi siyaasi ah, oo dagaal ba’an kula jira gumeeysiga, balse Ayaamo ka dib, amar Ilaahay, waxaa aad u xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan, xanuunkaasi oo ahaa Duumo (malaria). Yaasiin wuu dardaarmay, ka dib markuu dareemay in jirradiisu tahay mid halis ah, wuxuu ka dardaarmay in jagada Xoghayaha Guud loo dhiibo Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo madax ka aha faraca Xisbiga ee Beledweyne, ayna wada shaqeeyn jireen, wuuna aqbalay taladiisii, Maalmo ka dib, Yaasiin wuu geriyooday Allaha u naxariistee.

Cabdullaahi Ciise, Allaha u naxariistee, meeshii ayuu hawshii ka sii waday,wuxuu ugu adeegay Xisbiga iyo Shacbigaba si naftihurenimo ah, daacad ah, Soomaalinimo, wuxuuna guulo ka soo hoyey gudahaba iyo dibeddaba. Cabdullaahi wuxuu noqday Raiisulwasaarihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed sanadkii 1956.

Dhacdadii 11-kii Jannaayo 1948 (Hanoolaato)
Dhammaadkii 1947, ayaa waxaa la sheegay inuu Magaalada Xamar imaanayo Guddi ka socda Afarta Quwadood (Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka) “Four Power Commission”. Muhimada Guddigu waxay ahayd xaqiiqo-raadis iyo inuu u kuurgalo rabitaanka iyo himilada siyaasadeed ee shacabka Soomaaliyeed, blase intaan guddigu imaan, Leegadu waxay qabatay shriweeyne ay ka soo qaybgaleen Guddiyada Leegada ee gobollada Soomaaliyeed oo idil, si looga wadatashado, meelna la isula dhigo mawqifka Leegada ee ku aadan Guddigaas, Wadatashi iyo dood dheer ka dib, Leegadu waxay go’aansatay in la codsado in Soomaliya ay wadajir u maamulaan Afarta Quwadood. Go’aankaasi wuxuu ku saleeysnaa laba aragti oo ah:

Guddugii wuxuu yimid Xamar 6dii Jannaayo 1948. Waxaa la qorsheeyey in urur waliba uu dhoolatus ku maro Guddiga hortiisa oo ah halka Hotel Curuuba hadda ka dhisan yahay, wagaasna ahayd xarunta Guddoomiya Ingiriiska, waxaa buuq, sawaxan iyo dhoolatus isku daray axsaab iyo kooxo Soomaaliyeed oo Talyaanigu maalgeliyey oo meel kasta la maray calamo Talyaani ah, iyagoo ku dhawaaqaya Talyaani, Leegadu waxay codsatay in maalin gaar ah la siiyo oo ay cududooda muujiyaan, Waxaan ka warhelnay in la rabo in la carqaladeeyo bannaanbaxa iyo dhoollatuska Leegada. Leegadu markay darastay xaaladda, waxay go’aansatay, in haddii la carqaladeeyo, ay weerar ku qaado oo abbaarto Talyaaniga oo ah kan soo diraya kooxaha Soomaaliyeed.

Subaxdii 11 Jannnayo 1948, Naadiga waxaan ku reebnay 5 dhallinyaro horseed ah iyo qaar dumar ah. Intayadii kale waxaan abaabuleeynay bannaabaxa. Annagoo ku jirna hawshaas, waxaa na soo gaartay qaylodhaamo in la soo weeraray Naadiga ooy soo weerareen kooxo Soomaali ah oo Talyaanigu soo diray. Ka dib, way isqeybiyeen, qaar waxaa loo diray Naadiga inay difaacaan, intii kale waxay weerar ku qaadeen Talyaaniga, Halkaas waxaa lagu dilay 54 Talyaani ah , waxaana lagu dhaawacay 55 kale. dhanka Dhallinyarada waxaa la dilay Xaawo Cismaan (Xaawo Taako), Waxaa Leegada gacan siiyey askarta Somaaliyeed ee Ingiriiska u shaqeeynayey oo hoos Leego ka ahaa, Naadigu wuxuu ku yiil ka soo horjeedka meesha laga dhisay taallada Xaawo taako.

Dhacdadii Dhagaxtuur
Bishii Sebtembar 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Mudane Cabdullahi Ciise si uu cabbiro Mawqifka Leegada oo ahaa in Afarta Quwadood ay wadajir u maamulaan Soomaaliya, Madaxbannanina ku gaarsiiyaan muddo 10 sano ah, iyo inaan marnaba dalka lagu soo celin Talyaani, Waxaa xusid mudan in kharashkii ku baxay safarkiisa ay ku tabaruceen gabdhaha Leegada oo gaday dahabkoodii.

Bishii Oktoobar horrankeedii waxaa la helay farriimo muujinaya in Soomaaliya loo dhiibi doono Talyaaniga, 5tii Oktoobar 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga, ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur, iyadoo Ingiriiska soo diray askartiisii oo amar ku bixiyey in 15 daqiiqo gudahood dadka mudaaharaadaya ku kala dareeraan. Haseyeeshee, lagama yeelin, balse waxaa loogu jawaabay dhagax lagu tuuray askarta oo lagu asqeeysiiyey, Waana sababta goobtaasi loogu baxshay Dhagaxtuur, Askartii waxay dadkii ku fureen xabbado. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay.

Ingiriisku intaasi kuma ekaan ee wuxuu musaafuris ku xukumay qaar ka mid ah Madaxda Leegada oo Ceelbuur loo musaafuriye Daahir , Mohamud Maalin-guur, Cali Xirsi, Ottavio iyo Xaaji Diiriye Xirsi.

21kii Nofembar 1949 ayaa Golaha Guud ee Qaramad Midoobay soo saaray go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Bishii Abriil 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Maamulkaas oo la magacbaxay “Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia” (AFIS). Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Filibiin iyo Kolumbiya oo Wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay.

Ka dib markuu soo noqday, Talyaaniga waxaa galay damac ah inuu muddada dheereeysto, wuxuu isku dayay inuu kala qeybiyo Soomaalida, kala gado, qabyaaladda xoojiyo, Leega laaluusho, abuuro axsaab uu ku adeegto. Intaasoo dhan wuxuu u sameeynayey wuxuu rabay inuu dheereeysto muddada, isagoo u tusaya in Soomaalidu sidaas rabto. Qorshahas waxaa si aan gabbasho lahayn u hor istaagay Leegada oo beeneeyey, Waxaa dhacday in Talyaanigu xirxiray qaar ka mid ah Madaxda Leegada ee Kismaayo sanadkii 1952-kii. Leegadu waxay sameeysey mudaharaad, Rabshadihii waxaa lagu dilay nin Talyaani ah, Leegadu waa sii waday halgankeedii ilaa ay ku guuleeysatay dooroshooyinkii dawladaha Hoose ee 1954-kii, Talyaanigu ayaa markaasi quustay oo beddelay siyaasaddiisii, dantuna ku kalliftay inuu soo dhaweeyo Leegada, Waxaa farxad iyo raynrayn aheyd markii 12-ka Oktoobar 1954-kii la taagay calanka Soomaaliyeed, Calankaasi farshaxankiisa iyo hindisihiisa waxaa lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Madaxda Leegada.

Guushii halgankii waxaa la gaaray 1-da July 1960-kii markii laba Gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya, Waxaase nasiibdarro ah inaan loo han-weeynayn xorriyaddii iyo dowladnimadi dhibkaasi loo soo maray.

Waxaa isku soo duway Qoraalkaan” C/llahi Ruush

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here