SAWIRRO:-Qarax ka dhacay Xarunta Degmada Warta Nabada ee Muqdisho

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan  gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax  oo ka dhacay Xarunta Degmada Warta Nabada ee Gobalka Banaadir.

Gaariga qarxay  ayaa la sheegay inuu  ahaa NOHA, waxaana in la tilmaamay in lagu weeraray xarunta, halka wararka qaarna ay sheegayaan in gaariga qarxay uu dhex yaalay xarunta degmada degmada Warta nabada ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in xilliga uu qaraxa  ka dhacay xarunta Degmada Warta Nabada halkaasi deeq raashiin ah loogu qeybinayay  dad Barakacayaal ah.

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa  tagay goobta uu qaraxa ka dhacay , iyagoona halkaasi ka bilaabay sidii ay  ugu gurman lahaayeen dadkii ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay Xarunta degmada Warta Nabada.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya kadib markii maanta magaalada muqdisho uu ka dhacay banaanbax ay dhigayeen Ardayda Soomaaliyeed, kuwaasi oo laga joojiyay imtixaanka dowladda.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here