SAWIRRO:-Madaxweyne lafta-gareen oo dib ugu laabtay Baydhabo

0

Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye aya Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Baydhabo Ku soo dhaweyay Wafdi Uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen Oo Magaalada Garoowe Uga qeyb Galey shirka Iskaashiga Dowlad Gobolledyada iyo Dowladda Dhex Ee soomaaliya.

Mudane C/qaadir Shariif sheekhuna Maye Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ah kusimaha Madaxweynaha aya Madaxweynaha KGS warbixin ka siiyay Xaaladaha Deeganada Koonfur galbeed Soomaliya Isagoona sheegay in wax dhibaata  ah aysan Ka dhicin Afar Iyo Labaatankii saac Ee la soo dhaafey , iyadoona Deegaanada Koonfur galbeed Soomaaliya uu ka da’ay Roobab Lagu diirsadey.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta -gareen ayaa Faafahin ka bixiyey Shirarkii ay Magaalada Garoowe Ugu qeyb galeyn Isaga iyo Wafdigiisa iyo waxyabaha ka soo baxayay shirarkaasi.