SAWIRRO:-Dibadbax Ka Dhacay Magaalada Baladweyne

0

Boqolaal Ruux oo is kugu jiro waalidiin iyo ardada Dugsiyada Sare ee Magaalada Baladweyne ayaa manta dhigay dibad bax loogu soo horjeedo Go’aankii kaso baxay wasaarada waxbarashada dowlada Soomaaliya kaasi oo ahaa in la baabi’iyey dhamaan Imtixankii Dowlada oo sadaxdii maalmood ee lasoo dhaay ka socday Gobolada Dalka.

Dibadbaxayaasha oo is kugu jiro Waalidiin iyo arday ayaa ka sheegay in ay aad uga xun yahiin in mar kale dib loogu ciliyo imtixaanka oo maal mahii lasoo dhaafay socday

Inta uu socday dibad baxa ayaa waxaa ka dhashay dhawaca labo arday waxaana la dhigay isbitaalka Guud ee magaalada Baladweyne sida uu sheegay Agasimaha isbitaalka Baladweyne

Laamaha amaanka Baladweyne ayaa ardada ugu baaqay in ay muujiyaan Daganaan  islamarkaana ay ilaaliyaan nabadgalyada Deeganka

Aqoonyahan Khaliif Idires Cismaan ayaa sheegay in Wasarada ay Xaq u leedahay in ay joojiso Imtixaanka Dowlada  lakiin looga baahan yahay in ay cadeeyso Cida imtixaanka bixisay in ay wasaarada cadeeyso.