SAWIRO:- Jubbaland oo bilowday dib u habeynta Ciidanka

0

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo howlo shaqo u jooga gobolka Gedo ayaa dib u habeyn ku sameeyay Ciidamada ku sugan degaanka Ceelwaaq.

Madaxweynaha ku xigeenka ayaa sheegay in Ciidanka ku sugan gobolka Gedo ay u baahan yihiin dib u habeyn iyo taageero, islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Jubbaland ay bilowday dhismaha Ciidan xooggan oo ka qeyb qaadan doona dagaal Al-Shabaab looga saarayo degaanada ay ku sugan yihiin ee Jubbooyinka.

Maamulka Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday Guluf Colaadeed oo ka dhan ah Al-Shabaab