Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

0

Burcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah Ayaa Muwaadin  Soomaaliyeed Ku Dilay goobtiisa ganacsi oo ku taala duleedka magaalada Cape town Ee Dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka oo lagu magacaabi Jiray Xassan Mohamed Abdi (Hassan Bille)  ayaa u geeriyoday rasaas ay ku fureen burcada kuwaa oo goobta isaga baxsaday markii ay dilka u geysteen.

Dalka Koonfur Afrika oo ay ku nool yihiin muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed una badan ganacsato kuwaas oo inta badan la kulma weeraro kaga yimaada kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah.