Midowga Yurub oo ku baaqay in wada hadal lagu dhameeyo xiisada u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran

0

Midowga Yurub ayaa ka digay in ay sii kororto xiisada u dhaxayso dalalka Mareykanka iyo Iran sanad kadib markii uu Mareykanku iskaga baxay heshiiskii Niyukleerka Iran.

Federica Mogherini, oo ah u qaabilsanaha arimaha dibada ee Midowga Yurub ayaa kulan ay laqaateen Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka kadib sheegtay in loo baahanyahay in wahadal lagu dhameeyo xiisada sii xoogaysanaysa ee u dhaxaysa Mareykanka iyo Iran.

Mike Pompeo xogahaya arimaha dibada ee Mareykanka booqashadiisa Brussels ayaa salka ku haysay sidii uu Midowga Yurub ula wadaagi lahaa qatarta kazoo food leh dalka Iran.

Mareykanka ayaa dib usoo celiyay cunaqabateentii Iran isagoona isaga baxay heshiis ay Tehran sanadkii 2015’kii lagaleen quwadaha caalamka kaas oo u jeedkiisu ahaa xakamaynta Niyukleer Iran.

Maalmo ka horna Mareykanka ayaa maraakiib dagaal oo dheeri ah u diray gobolka bariga dhexe isagoona ujeedka ku sheegay in uu ka hortagayo dagaal ay qorsheenayaan ciidamada kacaanka iran.