Madaxweyne Waare Oo Ka Hadlay Go’aankii Lagu Joojiyay Imtixaanka Dowladda

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulkiisa ayaa waxaa uu ka hadlay Go’aankii Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu ku joojiyay imtixaankii shahaadiga ahaa oo ay qaadeysay dowladda.

Madaxweyne Waare oo Jowhar kula hadlayay arday badan oo kamid ah kuwa waxka barta Iskuulada ku yaalla halkaasi ayaa  wuxuu amar ku bixiyay in dib Magaalada Muqdisho ay ugu laabtaan wafdigii ka socday Wasaaradda Waxbarashada ee imtixaanka keenay Jowhar.

Isaga oo sii hadlayay ayuu tilmaamay Madaxweyne Waare in Hirshabeelle ay si gaar ah u qaadi doonto Imtixaan u gooni ah,isla markaana dowladda Soomaaliya waxaa uu ka codsay inay tallaabo adeg ka qaado dadkii fashiliyay imtixaankii Shahaadiga ah ahaa oo ay u fariisteen 31,500 oo arday.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xusay in Maanta wixii ka dambeya arday waxka barata Iskuuladda ku yaalla Magaalada Jowhar ay Waxbarashadooda Mas’uul ka tahay Hirshabeelle,sidoo kalena  aysan wax shaqo ah ku laheyn Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa waxaa uu daba socdaa,kadib markii xalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre uu ku dhawaaqay in Wasaaraddu ay joojisay gebi ahaanba imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare dalka ,isla markaana wixii shalay ka dambeeyay la joojiyay imtixaankii socday, lana baabi’iyay dhamaan maadooyinkii ay ardayda saddexda maalin ee la soo dhaafay galeen.