AKHRISO:- Wasiir Goodax oo Caddaadis kaga yimid maamul goboleedyadda

0

Sidda ay Allgalgaduud u xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta ku sugan Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb maamul goboleedyadda qaarkood ayaa si weyn uga soo horjeestay Go’aankii Wasiir Goodax uu ku joojiyay Imtixaanka guud ee dowladda Soomaaliya.

Maamul goboleedyadda, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa kasoo horjeestay Go’aanka Wasiirka waxaana ay sheegeen in aan loo laaban doonin Lixdii maado ee la galay laakiin ay aqbalayaan in lasoo badalo kaliya ah Afarta hartay.

Wasiir Goodax ayaa hadda la kulmaya Caddaadis uga imaanaya maamul goboleedyadda oo ku aadan in aysan ku laaban doonin Lixdii maado ee uu baabiyay, laakiin kaliya ah ay aqbali doonin wadatashi in laga yeesho inta hartay.

Kulamo kala duwan oo arintaasi looga hadlaayo ayaa ka socda Magaalooyinka maamul goboleedyadda, waxaana si rasmi ah loo xaqiijiyay in go’aankaasi ay qaateen Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.