AKHRISO:- Faahfaahino ka soo baxaya Maraakiib lagu weeraray xeebaha Imaaraadka Carabta

0

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in laba ka mid ah maraakiibteeda saliidda qaada ay waxyeello xooggan kasoo gaartay weerar arbushaad ah oo Axaddii loogu gaystay xeebta Imaaraadka Carabta.

Hase yeeshee wax faahfaahin ah lagama bixin waxyeelada la sheegay in maraakiibta ay gaartay iyadoo hore Imaaraadka Carabta uu u sheegay in la weeraray maraakiibtooda.

Wasiirka tamarta Sacuudiga ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibta la weeraray uu ku socday dekedda Ras Tanura, sii uu uga soo qaado saliid la gayn lahaa Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa maanta soo saartay digniin ku aaddan “ficillo lagu arbushayo” maraakiibta ku safarta xeebaha Imaaraadka Carabta.

Digniintan ayaa timid xilli ay sare usii kacayso xiisad ka dhex ooggan Mareykanka iyo Iran.

Imaaraadka Carabta aya sidoo kale shalay sheegay in afar markab oo ganacsi weerar arbushaad ah loogu gaystay meel ku dhow biyaha Gacanka Cuman, hase yeeshee ma bixin wax faah-faahin ah.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran, Abbas Mousavi ayaa sheegay in weerarada lagu qaaday maraakiibta ay yihiin “kuwa lagu baraarugo oo laga qoomameeyo” loona baahan yahay in la baaro.

Xiisada ka jirta Khaliijka ayaa sare u kacday kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku dhowaaqay inay dowladiisu ka baxday heshiiska lala gaaray dalka Iran uuna ku soo rogay cunoqabatayn wadanka Iran.